4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Kenya oo shaacisay in aysan ka aargudandoonin go'aankii Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay
 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in aysan ka aargoosandoonin Soomaaliya ka dib markii dowladda federalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Kenya.

Soomaaliya ayaa xiriirka ugu jartay Kenya, ka dib markii ay ku eedeeysay in ay xad gudubyo joogta u hayso madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya toddobada maalmood ee soo socota ay diblomaasiyiinteeda oo dhan kala baxayso Kenya.

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaas, ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan raaci doonin isla wadadii ay Soomaaliya martay.

“Ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay. Haddii aan sidaa yeelno waxay umuuqataa aargudasho halkan, waxaan u oogolaan doonnaa IGAD iyo Comesa inay la wareegaan howshan, ”ayuu yiri Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]