4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2020
Wasiir Faratoon '' Nama qusey-nayo khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

 

Isniin, December, 14, 2020 (HOL) - Iyadoo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu wada-hadallo kula leeyahay magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon in marnaba dhinacooda aysan quseyn khilaafka ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Isaga oo la hadlayay BBC da ayuu sheegay in kulanka labada mas'uul madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi ku leeyihiin magaalada Nairobi uu salka ku hayo hagaajinta xiriirka labada dhinaca, heshiisna la filayo in uu ka soo bixi doono.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha Qaadka laga soo dhoofiyo Kenya ayuu sheegay in magaalada Hargeysa uu si toos ah uga daggo Qaadka Kenya laga keeno oo horey dowladda Soomaaliya u joojisay.

Socdaalka Muuse Biixi Cabdi ee magaalada Nairobi ayaa imanaya xili khilaaf adag uu u dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii ay dowladda Dowladda Soomaaliya dalka ka saartay safiirkii dowladda Kenya ee Muqdisho

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]