4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2020
Madaxweynaha Kenya oo marti galiyay shir labo geesood ah oo u dhexeeya Kenya iyo Somaliland


Isniin, December, 14 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta marti galiyay wada hadalo laba geesood ah oo u dhaxeeyay Kenya iyo wafdigii ka socday Somaliland ee uu hogaaminayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Labada Madaxweyne oo ay wehliyaan guddi labo geesood ah ayaa wadahadalo ku saabsan iskaashiga amniga, ganacsiga & arrimaha danaha wadaagga ah uga bilowday magaalada Nairobi.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka aqalka madaxtooyada Kenya Kanze Dena-Mararo ayaa lagu sheegay in wadahadalada la soo gabagabeyn doono maalinta talaadada ah ee berito.

Wada hadalkan u furmay Kenya iyo Somaliland ayaa imaaneya iyadoo xiisad siyaasadeed oo kacsan ay ka taagan tahay Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay urur goboleedka IGAD.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]