4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2020
Maxkamada sare Puntland oo ayiday go'aankii xasaanada looga qaaday 8 xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka Puntland
 

Isniin, December, 14 2020 (HOL) - Maxkamada sare Puntland ayaa xukun kama dambays ah kasoo saartay dacwada siddeed xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka Puntland, kuwaas oo horaantii bishaan xasaanadii laga qaaday.

Maxkamada ayaa ayiday go’aankii barlamaanka Puntland, waxayna amartay in la diyaariyo xubnihii xildhibaanadaas bedeli lahaa, iyadoo loo marayo hannaankii lagusoo xuli jiray golaha wakiiladda.

Waxay maxkamadu sidoo kale ku xukuntay xildhibaanada xasaanada laga qaaday in ay bixiyaan magdhowga hanti dowladdeed oo ay burburiyeen intii ay socotay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday barlamaanka.

Xildhibaanada lagu riday xukunkan, ayaa horey u sheegay in aysan aqbalidoonin go’aan kasta oo ay u arkaan sharci darro, iyagoo horey walaac uga muujinayay dhexdhexaadnimada masuuliyiinta garsoorka.

Xildhibaanada uu xukunkaan ku dhacay ayaa kala ah:

Cabqani Abhsir Jaamac

Cabdijamaal Cismaan Maxamed

Cabdicasiis Siciid Maxamuud

Maxamuud Axmed Caalin

Maxamuud Maxamed Barre

Saleebaan Faarax Ciise.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]