4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2020
Qarax Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM

 

Isniin, December, 14 2020 (HOL)  - Qaraxan oo jugtiisa siweyn looga maqalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska Fagax iyo wadada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan dgmada Kaaraan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay lala eegto ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo Waddada marayay sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Kaddib Qarax ayaa la maqlayay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weerarray, Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo rasaasta ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]