4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Urur Gobolleedka IGAD oo shir ka yeelanaya khilaafka dhinaca Diblomaasiyada ah ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya

 

Axad, December, 13,  2020 (HOL) - Qoraal la soo galiyay bogga Twitter ka Wasarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 20 bishan December, dalka Jabuuti lagu qaban doono shir uu soo qaban-qaabinayo Urur gobolleedka IGAD kaasoo looga wada hadlayo xiisada Diblomaasiyadeed ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Warkan oo ka soo baxay Urur Gobolleedka IGAD ayaa u muuqda mid jawaab celin u ah dacwad dowladda Soomaaliya u gudbisay IGAD kaasoo ka dhan aheyd Kenya.

Gaar ahaan dacwadan ayeey dowladda Soomaaliya si toos ah ugu gudbisay Ra'iisal Wasaaraha dalka Sudan H.E. Abdalla Hamdok ahna madaxa xiliggan ee  Urur gobolleedka IGAD.

Khilaafka labada wadan ayaa cirka isku shareeray bishii hore markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka saartay safiirkii Kenya, iyadoo dhinaca kalana u yeeratay safiirkii ka joogay magaalada Nairobi.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]