4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Duqa Gaalkacyo ee Galmudug oo Al-shabaab ku eedeeyay inay ka dambeeyeen qarax maanta ka dhacay aagga dowladda hoose
 

Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Siddeed qof oo kala ah askar iyo shacab ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay irida hore ee xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

Qaraxaan ayaa lagu hoos qariyay fuusto qashinka lagu rido, waxayna qaraxday wax yar kadib markii guddoomiyaha degmada Gaalkacyo iyo golihiisa deegaanka ay u balansanaayeen inay shir ku yeeshaan xarunta degmada.

Duqa Gaalkacyo ee Galmudug, ayaa ku eedeeyay in ay falkaan ka dambeeyaan kooxda Alshabaab oo uu sheegay in ay doonayaan in ay damiyaan iftiinka iyo horumarka ka socda magaalada Gaalkacyo.

 “Dhagar qabayaashii cadowga Soomaaliyeed ayaa soo maleegay qaraxaan oo ahaa gacan ku sameys. Ku tala-galkoodu wuxuu ahaa in ay qarxiyaan xarunta degmada Gaalkacyo oo shacabka loogu adeego,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Wuxuu guddoomiyuhu tilmaamay in falkaan fashilmay loosoo adeegsday dhalinyaro lasoo qalday oo loo adeegsanayo in ay dadkooda laayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]