4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland oo is-afgarad buuxa ka gaaray arrimaha waxbarashada
 

Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland, ayaa is-afgarad ka gaaray arrimaha waxbarashada, iyadoo dowladdu ku dhawaaqday in ardayda reer Puntland loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federalka.

Labada wasaaraddood ee waxbarashada ayaa isku raacay in la qabto shirweyne looga arrinsanayo siyaasadaha waxbarashada iyo dhisida guddiyada imtixaanaadka, manaahijta iyo kormeerka waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo fasaxayo shahaadada ardayda Puntland haatan ka xanniban, iyadoo hadda kadibna ay si toos ah uga helidoonaan wasaaradda waxbarashada Puntland.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wasiir u dowlaha waxbarashada ayaa looga mahad celiyay inay qeyb weyn ka qaateen xal ka gaarida khilaafka dhinaca waxbarashada ee soo jiitimayay muddo dhowr sano ah.

Labadii sano ee ugu dambeysay, Puntland iyo dowladda federalka ayaa si adag iskugu khilaafay arrimaha waxbarashada, waxaana wasiirkii hore ee waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre uu hakiyay in ardayda Puntland lasiiyo shahaadada federalka, isagoo u sababeeyay in aysan Puntland ka qeyb galin imtixaanka dowladda Soomaaliya qaadday.

Raysal Wasaare Rooble ayaa wasiirkiisa waxbarashada kula dardaarmay inuu wada shaqayn dhow la yeesho wasaaraddaha waxbarashada ee dowlad goboleedyada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]