4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Al-shabaab oo soo bandhigay magacyada Raggii weeraray Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi

 

Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa ku dhawaad sanad kaddib waxaa ay shaaciyeen magacyada Raggii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday Hotelka Dusit2 ee magaalada Nairobi bishii Janaayo sanadkii 2019ka.

Weerarka Hotelka ayaa ka mid ahaa howlgallada ugu weynaa oo ay ka fuliyeen magaalada Nairobi Xarrakada Al-shabaab.

Xiliggaa weerarka hoteelka waxaa ku geeriyooday tiro ka badan 20 ruux oo dhamaantood ku sugnaa gudaha hotelka oo muddo kooban ay la wareegeen Al-shabaab.

Ragga weerarkan ka qeybqaatay oo ay Al-shabaab magacyadooda soo bandhigeen ayaa kala  ah Cusmaan Axmed Xasan,  Cali Saalim, Cabdi Qani Carab Yuusuf,  Maxamed Aadam Nuur,  Maahir Khaalid.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xiligaa cambaareeyay weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]