4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 9 , 2020
Madaxweyne Waare oo la kulmay madaxda shirkad dayac tireysa wadada Jowhar iyo Muqdisho


Axad, Agoosto 9, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxa uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta shirkad Turki ah oo la filayo iney dhowaan ka shaqo bilowdo dhismaha waddada isku xerta Muqdisho iyo Jowhar.

Madaxda shirkadda ENEZ iyo howladeennada ayaa waxa uu madaxweyne Waare kala sheekeystay qorshaha dhismaha waddadaas, waxaana la isla soo qaaday muhiimadda fulinta mashruucaas uu u leeyahay Soomaalida sida weyn u adeegsata waddadaas.

Maamulka sare ee shirkadda ENEZ ayaa waxay faah-faahin dheeraad ah siiyeen madaxweynaha, iyagoo soo bandhigay qorshahooda ku aaddan sida ugu fudud ee loo dhiso karo wadadaas.

Jidka laamiga ah ee xiriiriya Jowhar iyo Muqdisho oo ah 90KM waxaa hadda uu qorshuhu yahay in la dhiso maadaama ku dhowaad dhowr iyo soddon sano aan lagu sameyn wax dayac tir ah, laakiin waxaa hadda aad looga deyrinayaa ammaanka waddadaas oo dhowr jeer Al-shabaab ay ku weerareen , kuna dileen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]