4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 7 , 2020
Wafdi ka socda Shiinaha oo la kulmay madaxweynaha Somaliland
 

Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta magaalada Hargeysa kula kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Shiinaha, waxayna ka wada hadleen arrimaha maal-gashiga iskaashiga labada dhinac iyo sidii ay u heli laheyd saaxiibbo maal-gashi oo caalami ah .

Wafdiga Shiinaha ayaa waxaa hoggaaminayay Danjire Zhou Yuxiao oo Wakiilka dowladda China u qaabilsan dhinaca iskaashiga Afrika .

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa la joogay oo shirka ku wehliyay mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo wasiirro ay kamid yihiin wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka hor’umarinta maaliyadda iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Shiinaha .

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu sheegay in Somaliland maanta ay joogto meel muhiim ah marka la ego , xasilloonida , nabadda iyo  dimuquraadiyada.

Wuxuu intaa ku daray in 29 sano ee lasoo dhaafay ay ku tallaabdaseen hor’umar badan ballaaran, islamarkaana xukunku uu ahaa qoray isku dhiib .

Labada dhinac ayaa markii dembe isku waafaqay is iyadoo la is ixtiraamayo la wada shaqeeyo islamarkaana la iska kaashado dhinaca hor’umarka.

Dowladda Shiinaha ayaa aad uga soo horjeesatay xiriirkii dhowaa oo ay Somaliland la yeelatay Taiwan . waxaana tan iyo wixii xilligaas ka dembeeyay Dowladda Shiinaha ay wafuud kala duwan u direysay magaalada Hargeysa.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]