4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 7 , 2020
Gabadh Soomaaliyeed oo bare ka ah Maraykanka oo ku guuleystay macalinka sanadka ee Minnesota
 

Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Qorsho Xasan, oo ah bare Soomaaliyeed oo haysata dhalashada Maraykanka ayaa loo magacaabay macallinka sannadka ee gobolka Minnesota, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee ku guuleysta abaalmarintan.

Waxay ku mutaysaay rabitaankeeda ku aaddan Inay aaminto ardaydeeda oo u ogolaato su'aalahooda inay hagaan waxbarashadooda.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay ardayda sababta oo ah waxaan had iyo jeer isku dayayaa inaan noqdo cidda aan u baahnaa markii aan yaraa," ayay tiri.

Maamulaha Iskuulka Hoose ee Burnsville ee Gideon Pond, oo ah halka Qorsho wax lagusoo baray sanado ka hor, ayaa ku tilmaamay Qorsho inay tahay "bare wax ka badalaya aqoonta carruurta."

Qorsho ayaa laga soo xushay 134 macalin oo la magacaabay abaal marintan.

Qorsho ayaa sheegtay inay rabto inay u isticmaasho mowqifkeeda Macallinka Sannadka ee Minnesota si ay ugu dooddo in si wanaagsan loo ilaaliyo macallimiinta midabka lagu takooro isla markaana lagu dhiirrigeliyo tababbarka cunsuriyadda macallimiinta caddaanka ah.

"Waxay i siineysaa meel aan ku iftiimiyo qaar ka mid ah arrimaha aan la kulmo si aan u noqdo aqoonyahan madow oo leh haynta iyo taageerada shaqaalaha midabada kala duwan leh," ayay tidhi Qorsho.

Soomaalida ku nool dalka Maraykanka ayaa kaalin firfircoon kaga jira siyaasada iyo tacliinta dalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]