4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 6 , 2020
Daadad barakiciyay dadka kunool tuulada Bayaxow ee Gobolka Shabeellada dhexe
 

Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Badi dadkii kunoolaa tuulada Bayaxow oo hoostagta magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa ka barakacay guryahooda, kadib markii uu ku fatahay webiga shabeelle.

Roobab xooggan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Gobolka iyo webiga oo karkaarrada jabsaday ayaa sababay in bedi xaafadihii dadku ay deganaayeen uu daad kusoo rogmado.

Mas’uuliyiinta deegaankaas iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxay codsanayaan in loo samafalo dadka biyaha kasoo cararay oo hadda wajahaya xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

Shacabka ku nool tuulada Bayaxow ayaa waxay yihiin beeraley ku noolaa tacabka, waxaana sanadihii ugu dembeeyay saameeyay isbedalka cimilada ee Gobolka geeska Afrika.

Wararka aynu ka heleyno deegaankaas waxay sidoo kale sheegayaan beero fara badan ay hadda daadadku jareen.

Dhinaca kale, dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa waxay odoyaasha iyo wax-garadka deegaanka waxay ka codsadeen in ay u sameeyeen samata-bixin iyo kaalmo bani aaddannimo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]