4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
Wasaaradda gargaarka iyo masiibooyinka oo soo saartay digniin Roobab iyo dabeylo kusoo wajahan qeybo kamida Soomaaliya
 

Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in toddobada cisho ee soo socota (7 to 12 Aug, 2020) ayaa saadaashu tilmaameyso roob xooggan oo kusoo wajahan goballada koofureed iyo kuwa woqooyi ee dalka.

Sidoo kale roobab xooggan ayaa la filayaa inay ka da’idoonaan buuralaydi Itoobiya taas oo sare u qaadi karta heerka uu marayo Webiga Shabeelle.

Wasaaraddu waxay muujisay inay jirta cabsi weyn oo laga qabo in uu webiga ku fataho magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne. Sidoo kale waxaa jirta cabsi la xariirta mowjadaha badda iyo xowli-socodka dabeysha ee deegaannada xeebaha dhaca ee dalka.

Halkaan hoose ka aqriso digniinta wasaaradda.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]