4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo la kulmay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya
 

Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay xubno kamid ah Golaha wasiirrada ee dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya, ee kasoo jeeda Dowlad Goboleedkaas.

Wasiirka ammaanka Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya Maamed Abuukar Islow,  wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Sabriye, wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Eng.Cabdi Canshuur Xasan iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka badda Cismaan Cabdi Doollo.

Madaxweyne Waare iyo mas’uuliyiintaasi ka tirsan Golaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xaalada amni iyo hor’umareed ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle u baahantahay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee maamulka Hirshabeelle Cabdi Maxamed Geeddi ayaa sidoo kale kulankaas qeyb ka ahaa.

Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kulamada uu la qaatay mas’uuliyiintaasi kusoo aadeysa xilli Hirshabeelle dhammaadka sanadkan ay kusoo food leedahay doorashadii madaxtinimada iyo sidoo kale soo xulista Baarlamanka labaad ee dowlad goboleedkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]