4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2020
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxyadii Beirut iyo khasaaraha oo kor usii socda
 

Arbaco, Agoosto 5, 2020 (HOL) - Madaxweynaha waddanka Lubnaan Michel Aoun ayaa waxa uu golahiisa wasiirrada  amray iney isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga hadlayo sida masiibadii xalay ka dhacday magaalada Beirut looga hadli lahaa maanta oo Arbaco ah, waxa uuna dalka geliyay xaalad deg deg ah .

Dhimashada qaraxyadii ka dhacay dekadda ayaa gaartay 78 ruux , halka uu dhaawaca uu gaaray 4,000 .

Qaraxyada ka dhacay magaalada caasimadda u ah waddankaas,  ayaa waxay sidoo kale saameyn lixaad leh u geysteen guryo iyo dhimayaal dhaadheer oo qaar kamid ah ay gebi ahaanba bur-bureen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay aad u kordhi kareyso, iyadoo weli kooxaha badbaadada ay weli qodayaan bur burka dhismayaal dumay oo la aaminsanyahay iney ku hoos jiraan dad badan.

Waxaan weli caddeyn waxyaabaha qaraxaydii dhacay sabab u ahaa, balse waxaa lasoo werinayaa in baaruud ku keydsaneyd bakhaarrada dekadda ay qaraxday. Taas oo culeys ahaan gaareysay 2,750 tan.

Madaxweyne Aoun ayaa waxa uu isla xalay shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo uu la yeeshay Golaha sare ee difaaca waddankaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]