4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2020
Dowladda Tanzania oo soo saartay sharci cabburin kara dadka isticmaala baraha bulshada
 

Talaado, Agoosto 4, 2020 (HOL) - Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee dalka Tanzania ayaa waxay si weyn u dhaleeceeyeen sharci cusub oo dembi ka dhigaya in mudaharaadyo lagu abaabulo Internet-ka, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid ka hor imaanaya xuquuqda hadalka iyo xoriyatul qowl-ka.

Xeerkaan cusub ayaa dembi ka dhiga abaabulka, qorsheynta amma in lagu taageero habka Online-ka dibad-baxyo ka dhan ah dowladda .

Sidoo kale sharcigaan ayaa diidaya in xogta arrimaha Covid-19 ee Tanzania lagu baahiyo baraha bulshada, iyadoo aan wax fasaxa laga haaysan dowladda.

Weriyayaasha ayaa soo sheegaya in xeerkaan cusub uu sababi karo in shakhsi walba loo xeri karo, dacwadna loogusoo oogi karo aragtidiisa uu warbaahinta dadweynaha “Social Media” kusoo qoro, amma faallo uu aragtida qof kale ka bixiyay.

Sidoo kale meelaha xogta lagu baahiyo la isku qabsan karo waxaa kamid ah bar kulannada WhatsApp-ka “WhatsApp Groups”

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegaya in tan iyo markii madaxweyne John Magufuli uu la wareegay talada dalkaas dowladda Tanzania ay si adag ula dhaqmeysay warbaahinta, Ururada bulshada rayidka ah iyo shakhsiyaadka dhaliila dowladda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]