4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2020
Dil loo geystay dhowr sano ka hor sargaal ka shaqeynayay doorashooyinkii Kenya, oo xaalad cusub kasoo korortay
 

Talaado, Agoosto 4, 2020 (HOL) - Sargaal hore oo ka tirsaneyd Guddiga doorashooyinka iyo xudduudaha madaxa-bannaan ee Kenya “IEBC”  Roselyn Akombe ayaa sheegtay in farriimo cabsi gelin ah ay kala kulantay madaxii hore ee fulinta Guddigaas Ezra Chiloba.

Farriinta ayaa waxay tilmaantay iney heshay kadib markii ay sheegtay iney u xaqiijineyso sida ay wax u jireen Guddiga madaxa bannaan ee baaraya dilka sargaal ka tirsanaa hay’addaas oo lagu magacaabi jiray Chris Masando.

“Marwo Roselyn, ha isku dayin inaad taariikhda dib u qufto, aamusinteennu ma aha’  sharciyaddaada” ayaa ku qoran qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka, waxayna intaa ku dartay inuu Chiloba ugusoo diray Email-ka.

Chris Masando ayaa waxaa meydkiisa laga helay keyn ku taalla dhulka Ismaamulka Kiambu, kadib markii dhowr maalmood la waysanaa , xilli la isku diyaarinayay doorashooyinkii dalkaas ka dhacay dabayaaqadii 2018-dii.

Waxaa weli furan galka barista dilkiisa, iyadoo ay arrintaasi ka shaqeynayaan Guddi Cadaaladeed oo madax bannaan.  Waxaana si lamid ah arrintaasi weli la baarayaa dilkii loo geystay ganacsadihii caanka ahaa ee Jacob Juma iyo xildhibaankii hore ee Kabete George Muchai iyo dad kale oo badan.

Masando oo Guddiga doorashooyinka u qaabilsanaa dhinaca tiknoolajiyada ayaa ka hor inta aan la helin meydkiisa, waxaa meel ganacsi lagu arkay  gaarigiisii. Waxaana maqnaashiyahiisa Ciidamada Booliska ee saldhigga Embakasi ku wargelisay xaaskiisii Elva Else, kadib markii looga jawaabi waayay teleefankiisii gacanta.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]