4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo saaray digniin ku socota Wasiiradda, Agaasimayaasha, Bangiyadda, Ganacsatadda iyo Hay’addaha Maaliyadda Dowladda
 

Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Xeer-ilaaliyaha Guud  ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay  kiisas musuqmaasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kadibna lugaha la galay Wasaraaddo iyo hay’addo kale oo Dowladeed, Ganacsato, shirkado si gaar ah loo leeyahay, taaso dhawaan xukuno kala duwan ay ku ridday Maxakmadda Gobalka Banaadir.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in inta baaritaanku socday in fatashaad lagu  sameeyay Xarumo Dowladdeed oo kale duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda , Wasaaradda Kaluumaysiga  iyo Wasaaradda Warfaafinta, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, hay’addo gaar loo leeyahay, shirkaddo dhismo, Xarumo ganacsi sida Hoteelo, makhaayado cuno, Supper Marketyo, xarumo daabacaad iyo meelkasta oo laga heli karay xogta uu daba socday Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si looga gun gaaro ujeeddooyinka iyo natiijada  barista.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qarnaka Dr Sulaymaan ayaa intaas kadib Dagniin u diray Wasiiradda Dowladda, Agaasimayaasha maamulka & Maamliyadda, Agaasimyaasha guud ee Wasaaraddaha, Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha  kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, kuwaaso uu sheegay in qaadandaoonan dayacaad kasta oo  ku timaada xafiisyada ay masuulka ka yihiin si waafaqsan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Iyo Xeerka Maaliyadda Dalka.

“‘Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa agaasinka maamulka & maaliyadda iyo xisaabiyayaasha hay’adaha dawladda ku daneysi Xafiis Dowladeed, raadin faa’iidooyin khaldan iyo in la garab maro xeerarka iyo habraacyada maaliyaddeed ee Dawladda Soomaaliya, waa in masuul kasta oo Dawladdeed uu ka fogaada in uu saxiixo wax uusan hubin ama uusan ogayn in uu sax yahay, haddii  wasiir, W/dawle, W/ku/xigeen iyo agaasime Guud ama qof kale oo ka sareeya  uu ku siiyo  amar khilaafsan habraacyada maaliyeed waa in uu ka dalbada masuulkaas qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixanyahay, si uu masuuliyadda u qaato masuulkaas, waana in uu ku wargaliyaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 18 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed khaladkaas” ayuu yiri Xeer-ilaaliye Sulaymaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]