4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Aabbe wiilkiisa Jowhar ku dilay oo faah faahiyay sababta ka dembeysay inuu falkaas sameeyo
 

Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Maxamed Dhaayow Aadan oo ah aabbe Soomaaliyeed oo dhowaan ciidamada ammaanka Hirshabeelle ay gacanta kusoo dhigeen,  kadib markii wiil uu dhalay uu dilay   kadibna ku riday webiga magaalada Jowhar ayaa faah-faahin ka bixiyay sababaha keenay inuu ficilkaas sameeyo.

Isagoo la horkeenay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in wiilkiisa uu noqday,  qof ku hayay dhibaato badan,  sidoo kalena uu bartay maandooriyaha Xashiishka .

"Wiilkeyga waxaa igu batay dhibkiisa,  wuxuu bartay balwad,  xashiishka ayuu isticmaali jiray,  xoolo badanna wuu iga xaday " ayuu Dhaayow u sheegay weriyayaasha.

"Nafteyda ayaan uga baqay,  waana ku daalay sidii aan u gudayay xoolo islaameed uu qaadan jiray, aniga xitaa 9 neef oo Lo' ah oo.uu mid Irmaan yahay ayuu iga qashay",  ayuu hadalkiisa ku daray.

Ciidamada ammaanka ee Jowhar ayaa gacanta dhowaan kusoo dhigay aabbaha wiilkiisa dilay,  kadibna ku riday webiga Shabeelle ee mara magaalada Jowhar.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]