4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Raysal wasaaraha Hindia oo dhalleecayn kala kulmay isbarbar dhig uu ku sameeyay gobol Hindia kamid ah iyo Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha dalka Hindia ayaa dhalleecayn culus kala kulmay markii gobol kamid ah dalka Hindia uu la barbar dhigay Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa intii uu ka hadlayey isu soo bax ka dhacay gobolka Kerala oo ku saabsanaa doorashooyinka soo socda, wuxuu isbarbar dhigay Kerala iyo dalka Soomaaliya.

Kerala waa mid ka mid ah ismaamul goboleedyada ugu horumarsan Hindiya, kaalinta koowaadna ka galay tilmaamayaasha Horumarinta Aadanaha, halka  Soomaaliyana ay kamid tahay waddamada ugu dambeeya xaga horumarka.

Raysal Wasaare Modi wuxuu yiri "Heerka shaqo la`aanta ee Kerala ayaa ugu yaraan seddex jeer ka badan celceliska qaranka. Heerka dhimashada carruurta yar yar ee Kerala ayaa ka liita Soomaaliya.”

Isbarbardhiggan ayaa kiciyay xoogaa duufaan siyaasadeed ah, maadaama madaxa wasiirka Oommen Chandy uu warqad u qoray ra'iisul wasaaraha.

"Waxaad sameysay hadalo aan wax xiriir ah la lahayn xaqiiqda waxaadna la mid dhigtay Kerala Soomaaliya. Tani waa mid aan ku habooneyn ra'iisul wasaare waxayna abuurtay xanuun badan," ayuu yiri Oommen Chandy.”

"Waxaad kahadashay wiil reer Kerala ah oo wax ka cunaya qashin qub. Laba baaritaan oo arintaas ku saabsan ayaa la sameeyay runtiina way ka fogtahay waxaad sheegtay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

"Hadda, waxaad isbarbar dhigtay Kerala iyo Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa faqri iyo khilaaf gudaha ah. Miyaanay ceeb ahayn in ra'iisul wasaaruhu ku dhawaaqo in dal sida Soomaaliya oo kale ahi ka jiro dalka,” ayuu yidhi wasiirka Hindia ee kasoo gobolka Kerala.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]