4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2020
Diyaaradda Turkish Airline oo deg deg ugu soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, cilad ku timid awgeed
 

Axad, Agoosto 30, 2020 (HOL) - Diyaaradda Turkish Airlines ayaa si deg deg ah uga degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wax yar uun ka dib markii ay duushay, sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiil ku sugnaa gagada dayuuradaha ee Adan Cadde.
 
Diyaaradda oo siday in ka badan boqol rakaab ah ayaa dib ugu soo laabatay garoonka nus saac markii ay duushay.

Duulimaadka Turkish Airlines TK 4927 kuna socday magaalada Istanbul ayeey ku timid cilad la xiriirta hawadii oo ku yaraatay gudaha dayuuradda "Cabin Pressure". Dayaaradda ayaa markaas waxay mareysay joog dhan 30,000 ft.

Dayaaraddan oo ah nooca Airbus A330 ayaa markiiba soo riday maaska Oxgenka si rakaabka ugu neefsado maadaama uu oxgenkii ku yaraaday gudaha dayaaradda.

Rakaabkii dayaaradda ayaa waxaa la dajiyey Hotelka Décalé ee ku dhex-yaal gudaha garoonka. Duulimaadka TK 4927 ayaa la filayaa in uu dib u bilaambidoona marka la hagaajiyo cilladaas ku timid dayuuradda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]