4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2020
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun adag riday
 

Axad, Agoosto 30, 2020 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta go'aan ka gaartay xukunka eedo loo haaystay laba muwaadin oo Soomaaliyeed.

Ugu horreyn gasooraha Maxkamadda Dr. Cabdiraxmaan Saciid Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka eeddii loo haaystay  ganacsade Cabdullaahi Axmed Maxamed oo loo yaqaanno "Xaaji Gaabow" oo ay xeer ilaalintu kusoo eedeysay inuu sameystay shirkad u shaqeysa hannaanka Bangiyada dalka,  balse aan laheyn wax shati ah.

Garsooraha ayaa sheegay in dhageysiga dacwadda oo qaatay dhowr fadhi kadib,  lagu helay dembigaas,  laguna xukumay seddex sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya  $ 920,000 "sagaal boqol iyo labaatan kun oo doollar" .

Dhinaca kale maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa fasaxday eedeysane kale oo loo haaystay in shirkad uu leeyahay ay u sameysay warqad qaansheegad ah ee mas'uuliyiintii wasaaradda caafimaadka ee la xukumay.  Waxa uuna garsoorahu sheegay iney xorriyaddiisa u celiyeen Ayuub Shiikh Maxamed Ammiin kadib markii dembi lagu waayay.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay ciddii aan ku qanacsaneyn labadan xukun inuu u furanyahay racfaan muddo 30 cisha gudaheed ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]