4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2020
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay iney kor u qaadayaan la dagaallanka COVID-19
 

Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed "Filish" ayaa waxa uu sheegay inuu weli jirto khatartii xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya,  islamarkaana mas'uuliyiinta caasimadda ay sii wadi doonaan ol-olehii Wacyi-gelinta ahaa ee looga hortagayay.

Soomaaliya waxaa hoos u dhacay dadka uu xanuunkaan soo ridanayo,  halka taas bedalkeeda ay tiro badan ka bogsaday.  Laakiin Guddoomiye Cumar Filish ayaa qaba inaan dhulka la is dhigan,  si cudurkaan dalka looga cirib tiro.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Mas'uuliyiintiisa waxay horay uga qeyb qaateen la dagaalanka Coronavirus, hase-ahaatee mar kale ayey sheegeen in ay billaabayaan qorshe caasimadda looga cirib tirayo.

Soomaaliya oo ku taalla bariga qaaradda Afrika waxa ay kamid tahay waddamada uu COVID-19 saameeyay  laakiin hadda dib ayaa loo qaaday dhammaan xayiraadihii xanuunka dartii dalka loo saaray,  Kadib markii ay hoos u dhaceen bukaannada uu soo ridanayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]