4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2020
Axmed Macallin Fiqi oo Baarlamanka Galmudug ka codsaday meel marinta sharciga ammaanka
 

Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) - Wasiirka ammaanka ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa Baarlamanka dowlad goboleedkaas ka codsaday in la meel mariyo sharciyo la xiriira arrimaha nabad-gelyada deegaanka oo muhiimad badan u leh Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in Baarlamanka ay si quta dheer u darsaan muhiimadda uu sharcigaan u leeyahay badbaadada bulshada iyo hor'umarka maamulka.

"Waxaa muhiim ah in xildhibaannada ay si fiican sharcigaan u ansixiyaan si loosoo af-jaro colaadaha beelaha iyo la dagaallanka argagaxisada "ayuu fiqi u sheegay warbaahinta.

Maamulka Galmudug ayaa ku jira dhismaha hay'adahii nabad-gelyada,  Waxa uuna wasiir fiqi horay u sheegay iney sameysanayaan ciidamo taya leh.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]