4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2020
Barlamaanka Galmudug oo beeniyay in mooshin lagasoo gudbiyay guddoonka barlamaanka iyo madaxda Galmudug
 

Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) - Xildhibaanada barlamaanka Galmudug ayaa sheegay in aysan diyaar u ahayn mooshin, iyagoo hadalkaan kaga jawaabayay kadib markii maalmahaan warbaahinta laga tebinayay in mooshin lagasoo gudbiyay guddoomiyaha barlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.

Hadalkan ayay qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug ka sheegeen munaasanad lagu daah furayay kalfadhiga labaad ee barlamaanka Galmudug  oo ka furmay Dhuusomareeb.

Guddiga qaban qaabada kalfadhiga ayaa sheegay, in aanay jirin sabab waqtigaan keeni karta in mooshin la keeno, iyagoo sheegay inay guddoonka barlamaanka iyo xukuumada si wacan shaqadooda u gudanayaan.

“Waxaan rabnaa inaan shacabka ka jaahil bixino xanta meelaha ka yeeraysa, diyaarna uma nihin inaan mooshin sameyno, waan ku qanacsanahay wasiiraddeena, madaxweynaheenna iyo guddoomiyaheenna,” ayuu yiri xubin katirsan xildhibaanada qaban qaabaninayay kalfadhiga.

Barlamaanka hadda jira ee Galmudug waa barlamaankii labaad, waxaana xalay u furmay kalfadhigoodii labaad ee dastuuriga ah, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha aqalka sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]