4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2020
Somaliland oo udiiday degaanadeeda inuu yimaado Ugaaska guud ee gobolka Awdal iyo rabshado ka dhashay
 

Khamiis, Agoosto 27, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa udiiday in degaanadeeda uu kusoo laabto Ugaaska guud ee beelaha gobolka Awdal, Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, oo la filayay inuu safar lug ah dhinaca Ethiopia kaga yimaado iyadoo aad loogu diyaar garoobayay soo dhowayntiisa.

Somaliland waxay gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u badan ku daabushay xadka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo gobolka Awdal, si ay uga hortagto Ugaaska inuu tago magaalada Borama.

Tallaabadan waxay dhalisay inay boqolaal shacab ah oo ka caraysan tallaabada Somaliland isku dhacaan ciidamada amniga Borama, waxaana ciidanka dhaawac ugeysteen dhowr kamid ah dadkii mudaharaadayay.

“Waa ayaan darro markii saakay salaadiinta dhaqanka iyo bulshadii reer Awdal ay usoo baxeen inay soo dhoweeyaan Ugaaskooda, lagu wargaliyay in Ugaaska aanu soo gali karin Somaliland. Ciidamo bilays ah iyo milatari ah ayaa nalasoo duldhigay, waxaana amar nala ku siiyay in Ugaasku imaan Karin lanasoo dhowayn karin,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Ugaaska.

Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa si aad ah saxaafadda uga dhaliili jiray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isagoo ku eedeeyay inuu boob ku hayo shacabka gobolkiisa Awdal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]