4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2020
War murtiyeed lagasoo saaray shirkii Puntland iyo Jubbaland iyo Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho
 

Khamiis, Agoosto 27, 2020 (HOL) - Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii magaalada Garowe uga socday Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxda labada maamul ay qeyb ka ahaanayaan shir wadatashi oo Muqdisho ka dhacaya loogana hadlayo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa doorashooyinka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Puntand iyo Jubbaland ay shirar qadka taleefoonka kula yeesheen madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, taasoo oo ka dhalatay in shir dambe la iskugu yimaado Muqdisho, inkastoo aanan waqtiga shirka la sheegin.

Halkaan hoose ka arqiso war murtiyeedka shirka.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]