4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2020
Saddex Iiraaniyiin ah oo burcad badeedda Soomaalida siidaayeen oo gaaray dalkooda
 

Arbaco, Agoosto 26, 2020 (HOL) - Hay’adda Caalamiga ah ee Badbaadinta iyo Gargaarka Bada ee ISWAN, ayaa soo dhaweysay siideynta seddex Iiraaniyiin ah oo ay burcad badeeda Soomaalida afduub u haysteen  ku dhawaad shan sano iyo badh.

Seddexda nin ee Iiraaniyiinta ah, oo ay gacanta ku hayeen 1,975 maalmood budhcad-badeedda Soomaalida, ayaa si nabad ah ku gaadhay magaalada Tehraan.

Waxay shaqaale ka ahaayeen markabkii FV Siraj, oo ahaa markab kalluumeysato reer Iiraan ah oo ay saarnaayeen 19 shaqaale ah, waxaana la afduubtay 25-kii Maarso 2015.

Lama oga qaabka lagusii daayay, balse warar ayaa sheegaya in laga qaatay madax furasho sidii lagusii dayn lahaa raggaan, kadib xiriir toos ah oo dhexmaray burcad badeedda iyo hay’addaha u dooday badmaaxiyiinta.

ISWAN waxay sheegtay gargaar baniaadinimo inay siineysay qoysaska shaqaalaha la afduubtay iyadoo dabooshay qaar ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah sida maalgelinta waxbarashada carruurtooda iyo ka caawinta daryeelka caafimaadka ee waalidkood waayeelka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]