4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2020
Dowladda Soomaaliya oo Hirshabeelle ka billaabeysa howl-gal militari
 

Talaado, Agoosto 25, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in howl-gal ka dhan ah Al-shabaab ay ka billaabeen deegaanno hoostaga maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha guutada 16-aad  Cabdimaalik Macallin ayaa Isniinta maanta ah u sheegay Warbaahinta in ciidamada dowladda ay u diyaaraanyihiin howl-galkaas, xilli maalmihii lasoo dhaafay weerrada Al-shabaab ka geysanayaan Hirshabeelle ay sare usii kacayeen.

"Waxaan howl-gallo ka sameynay Jubaland,  Galmudug iyo Koonfur galbeed,  hadda waxaan billaabeynaa Hirshabeelle" ayuu taliye Cabdimaalik Macallin u sheegay Warbaahinta.

Howl-galka ayeey ciidamada billaabayaan xilli ammaanka waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho laga deyrinayo

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay dilkii Jowhar loogu geystay wasiirkii beeraha maamulkaas Cabdikhaadir Karaani, sidoo kalana ahaa xildhibaan Baarlamanka Hirshabeelle ka tirsana.

Howl-galkaan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Hirshabeelle ay isku diyaarinayaan doorasho

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]