4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2020
Puntland iyo Jubbaland oo maanta shir uga furmayo magaalada Garowe
 

Talaado, Agoosto 25, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta shir gaar ah uga furmayaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo shalay Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayay ay socdaal ku tageen.

Madaxweynaha Jubbaland waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno katirsan maamulkiisa iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa ee uu heshiiska la galay, kuwaas oo qeyb ka ahaandoona heshiiska Puntland iyo Jubbaland.

Labada madaxweyne waxay ka gaabsadeen inay saxaafada la hadlaan, balse afhayeenka madaxtooyada ayaa saxaafada si kooban ugu sheegay inuu jiridoono kulan ballaaran oo madaxdu ka yeelandoono arrimaha Soomaaliya.

Puntland iyo Jubbaland ayaa ah labada maamul ee ka maqanaa heshiiska Doorasho ee Dhuusomareeb lagu gaaray bishaan, waxayna qoraalo ay soo saareen kagasoo horjeesteen heshiiskaas iyagoo ku tilmaamay mid ku eg dhinacyadii gaaray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]