4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 24, 2020
Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir oo amar dul dhigay dugsiyada waxbarashada Muqdisho
 

Isniin, Agoosto 24, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa waxaa guud ahaan lagu amray in dugsiyada waxabarashada ee gaarka loo leeyahay ay iska soo diiwaan-geliyaan xaruntaas.

Warka ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay dhammaan in Iskuullada hoose, dhexe iyo sare-ba ay xarunta agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir iska soo diiwaan-geliyaan,  si loola socdo adeegga waxbarasho oo ay bixinayaan.

Dhowaan ayey wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku wareejisay Gobolka Banaadir waxbarashada Gobolka,  wuxuuna wasiir Cabdullaahi Goodax Barre uu sheegay in tallaabadaas ay tahay mid adeegga dowladnimada dad loogu dhoweynayo.



Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]