4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 24, 2020
Taliska ciidanka asluubta Soomaaliya oo beeniyay in ciidankooda weerar ku qaadeen taliyaha ciidanka Haramcad
 

Isniin, Agoosto 24, 2020 (HOL) - Taliska ciiidanka asluubta Soomaaliya, ayaa beeniyay warar saxaafada lagu faafiyay oo ku saabsanaa in ciidankooda ay xalay weerareen taliyaha ciidanka Haramcad, Farxaan Qarooole.

Afhayeenka ciiddanka asluuubta, Cabdiqani Maxamed Qalaf, ayaa sheegay sarkaal katirsan ciidanka asluubta oo ilaalo wata ay israsaaseeyeen ilaalada taliyaha ciidanka Haramcad, taasoo uu sheegay inay ku timid isfahan darro iyo kala shaki ka dhex abuurmay labada ciidan.

“Nin sarkaal oo katirsan ciiddankeeda ayaa marayay waddada dabka, waxaa wadada laga sheegay Qarax, Wuxuu ka leexday jidkii, wuxuu maray jid cadde, jid caddihii wuxuu geeyay guri uu degen yahay nin sarkaal oo markii dambe nala ku  sheegay taliyaha haysta ciidanka Haramcad. Markii wadadii kusoo xirantay ayuu taliyuhu kala wareegay, kadibna labadii ciidan way is xabbadeeyeen, ciidanka Haramcad ayaa shakiyay oo xabbada soo riday,” ayuu yidhi Cabdqani Qalaf.

Labo askari oo katirsanaa ciidanka asluubta ayaa ku dhaawacmay falkaan, sida uu sheegay afhayeenka asluubta oo tilmaamay inay ka xun yihiin falkaas dhacay iyo sida marin habaabinta ah ee loo faafiyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]