4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 24, 2020
Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Wanlaweyn
 

Isniin, Agoosto 24, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay laba kalana way ku dhawaacmeen qarax ka dhacay suuqa weyn ee degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada hoose,  sida warbaahinta at u sheegeen dadka deegaanka.

Dhammaan dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen Ilo madax bannaan.

Weli ma cadda cidda qaraxaas lala damacsanaa,  laakiin xilliga uu dhacayay ayaa waxa uu suuqa ahaa mid mashquul badan.

Dhinaca kale ma jiraan war kasoo baxay mas'uuliyiinta maamulka Wanlaweyn oo ku aadan qaraxaas iyo dadka ku dhintay.

Horay ayey aheyd markii qarax loo adeegsaday Bom gacameed lagu dilay ku xigeenkii Guddoomiyaha degmadaas ee dhinaca maaliyadda Cabdullaahi Koosto.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]