4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 24, 2020
Madaxweynaha Jubbaland oo ka dagay Garowe
 

Isniin, Agoosto 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goor dhowayd kasoo dagay magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaas oo ay ka socotay qaban qaabo lagusoo dhoweynayo.

Madaxwweynaha Jubbaland ayaa Garowe ku tagay casuumaad uu ufidiyay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, iyagoo kawada tashanaya mowqifkooda kaga aadan heshiiskii Dhuusomareeb iyo tallooyin loosoo jeediyay.

Wada hadal qadka taleefonka ku dhexmaray labada madaxweyne ayay isku raaceen inay Garowe ku yeeshaan kulan gaar ah, iyagoo la filayo inay soo saareen war murtiyeed ku saabsan sida ay Puntland iyo Jubbaland ku ogolaan karaan heshiiska doorashada ee Dhuusomareeb lagu gaaray.

Waa markii labaad oo madaxweyne Axmed Madoobe uu wadatashi ku imaanayo Puntland. Bishii January ee sanadkan ayuu Axmed Madoobe ku tagay Bosaso, la tashi uu la lahaa madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay labada madaxweyne inay qeyb ka ahaadaan heshiiska islamarkaana laga qancindoono waxyaabaha ay tabanayaa, mar haddii doorashadu waqtigeeda ku dhacayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]