Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka badbaaday qarax miino
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, laba kalana way ku dhaawacmeen qarax ahaa nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday gaari uu watay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale.
Guddoomiyaha iyo ilaaladiisa ayaa lagusoo warramayaa iney ka badbaadeen qaraxaas, waxaana xilliga uu dhacayay ay kusii jeedeen garoonka kubadda cagta Eng.Yariisow oo ay ka socotay cayaar u dhaxeysay kooxda kubadda cagta degmada Yaaqshiid iyo koox kale.
Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo kala duwan oo dad rayid ah iyo mas'uuliyiin dowladeed ay ku dhinteen, sidii kii ka dhacay hotel-ka Elite.
Saraakiisha nabad-gelyada Soomaaliya ayaa horay u sheegay iney wax badan ka qaban doonaan xaaladaha cusub ee ka dhanka ah ammaanka Caasimadda ee Muqdisho.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]
Wiil Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyay tartan orodka 5-kun mitir
8/23/2020 1:04 PM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) Cabdisalaam Cali ayaa manta ku guuleystay orodka 5000m ee dhallinyarada da’doodu ka yartahay 20 jir ee loo yaqaano U20 dalka Switzerland.
Madaxweynaha Puntland oo kulan albaabada u laaban yahay la qaatay golihiisa wasiiradda iyo la taliyayaashiisa
8/23/2020 9:55 AM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Garowe kulan aan caadi ahayn kula yeeshay golihiisa wasiiradda iyo la taliyayaashiisa dhinacyada siyaasada.
Midowga Yurub oo warbixin kasoo saaray Markab la sheegay in lagu afduubay xeebaha Puntland
8/23/2020 9:29 AM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in markabka ku gooshayay calanka dalka Panama ee lagu tuhunsanaa in ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah uu haatan bad qabo.
Maamulka Dhuusamareeb oo awaamiir dul dhigay dadka deegaanka
8/23/2020 9:04 AM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - War kasoo baxay maamulka degmada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa dadka deegaanka lagu amray iney ka shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo bilicda deegaanka.
Guddiga gurmadka Fatahaadaha Baledweyne oo maanta Daah-furay Wajiga Saddexaad ee biya xireenadda
8/23/2020 8:24 AM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Guddiga gurmadka xaalka waara iyo ka hortaga fatahaadaha Baledweyne ayaa maanta daah-furay wajiga saddexaad ee biya xireenadda looga hortagayo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabelle.
Uganda oo Soomaaliya usoo diraysa 600 askari oo ku jiraan maleyshiyaad
8/23/2020 6:04 AM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya usoo diraysa Cutubka toddobaad ee ciidanka ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Al-shabaab oo soo bandhigay muuqaalka mid kamid ah saraakiishooda caanka ahaa oo duqayn lagu dilay
8/23/2020 2:15 AM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa siidaayay muuqaal markii ugu horeeysay muujinaya mid ka mid ah taliyayaashooda caanka ah ee goobaha dagaalka.
Dood ka dhalatay markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray heshiiskii doorasho ee Dhuusomareeb
8/23/2020 2:13 AM EST
Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Dood ayaa ka dhalatay gudaha Puntland markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb ugusoo gabagaboobay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.
Somali News
Jubbaland livestock minister suspended over ‘misuse of funds’
-
HOL
8/23/2020 7:15 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Jubbaland State Minister of Livestock Mohamed Hassan Mohamed has been suspended over allegations of mismanagement of funds.
FNP Coalition welcomes Dhusamareb deal, calls for more consultations
-
HOL
8/23/2020 3:02 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The Forum for National Parties (FNP) coalition has welcomed the electoral deal reached in Dhusamareb but called for inclusion of all stakeholders.
Alcohol trader sentenced to five years in Puntland
-
HOL
8/23/2020 1:02 AM EST
Saturday, August 22, 2020 (HOL) - A Nugal Regional Court today sentenced a woman to five years in prison and fined her $2,000 for selling alcohol.
Panama-flagged ship boarded by Somali police is safe and underway - EU force
-
Reuters
8/23/2020 12:23 AM EST
NAIROBI - A Panama-flagged ship boarded by Somali police is safe and underway, the EU Naval Force said on Saturday, after conflicting reports two days earlier about whether it had been hijacked by Somali pirates.
Turkey expects big drop in gas imports after Black Sea find - minister
-
Reuters
8/23/2020 12:16 AM EST
ANKARA (Reuters) - Turkey expects its energy imports to fall significantly following a major Black Sea natural gas find and more discoveries could be made in another area now being evaluated, Energy Minister Fatih Donmez said on Saturday.
Why a Somali-born fighter is being honoured in Rome
-
BBC
8/23/2020 12:07 AM EST
In the series of letters from African journalists, Ismail Einashe looks at how some Italians are revaluating their colonial past in Africa.