4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Guddiga gurmadka Fatahaadaha Baledweyne oo maanta Daah-furay Wajiga Saddexaad ee biya xireenadda


Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Guddiga gurmadka xaalka waara iyo ka hortaga fatahaadaha Baledweyne ayaa maanta daah-furay wajiga saddexaad ee biya xireenadda looga hortagayo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabelle.

Wajiga Saddaxaad ee biya xireenka ayaa maanta laga bilaabay deeganka Qooqane oo qiyaastii magaalada Baledweyne dhinaca waqooyi kaga beegan 20 KM.

Guddiga gurmadka waxay sheegeen in muhiimada biya xireenka Qooqane ay u doorteen ay tahay biyaha ugu badan ee wabiga hareer socda oo ku yimaada deegaankas xiliyada fatahaada sidii loo baajin lahaa, waxaana halkaasi la dhigaya Carro tuur aad u weyn si looga baaqsado biyaha hareer socda wabiga ee sida toos ah u soo beegsan jiray gudaha magaalada Baledweyne.

Injineeradda wada howlahan biya xireenka fatahaadaha Baledweyne ayaa rajjo aad u wanaagsan ka qaba inaan sanadkan fatahaad looga barakicin xaafadaha magaalada.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda ayaa si weyn usoo dhaweyay dadaaladaan looga hortagayo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabelle oo mudooyinkii dambe dadka reer Baledweyne kaga barakacayeen guryahooda sanadkiiba laba jeer.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]