4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Al-shabaab oo soo bandhigay muuqaalka mid kamid ah saraakiishooda caanka ahaa oo duqayn lagu dilay
 

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa siidaayay muuqaal markii ugu horeeysay muujinaya mid ka mid ah taliyayaashooda caanka ah ee goobaha dagaalka.

Muuqaalka Al-Shabaab wuxuu soo saaray Cabdullaahi Xaaji Daud oo loo yaqaan Yuusuf Xaaji afar sano kadib markii lagu dilay duqeyntii Mareykanka ka dambeeyay oo dhacday bishii May 2016.

kahor geeridiisa, wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Al-Shabaab laakiin waxaa xusid mudan in uu isagu mas'uul ka ahaa hawlgallada taas oo kor u qaaday si uu u helo darajada taliyaha.

Mareykanku wuxuu ku sifeeyay inuu yahay howl wade argagixiso qatar ah, wuxuuna madaxiisa dulsaaray $ 5 milyan oo abaalmarin ah oo la siinayo ciidii macluumaadkiisa meel kusoo sheegta.

Sarkaalkaan ayaa markii dambe lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyay koonfurta Soomaaliya Kadib ku dhawaad sanado badan oo baaristiisa lagu howlanaa.

Al-Shabaab badanaa waxay soo bandhigaan taliyeyaasheeda la dilay iyo dagaalyahanadooda markay ku tala jiraan inay weerarro waaweyn ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyagoo bartilmaameedsanaya mas'uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo ciidamada shisheeye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]