4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 22, 2020
Beledweyne: Taliyaasha Cusub ee Guutadda 5-aad oo xilalka kala wareegay Taliskii Hore


Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Munnaasabad balaaran oo aay xilalka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee loo soo magacaabay guutada 5-aad iyo Taliyahii hore ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Munnaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo waliba sarakiil ka socotay Taliska Ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha cusub ee guutada 5-aad Korneel Maxamed Xasan Ibraahin (Baakaay) ayaa si rasmi ah maanta xilkasi kala wareegay Taliyahii hore ee guutada Korneel Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin)

Waxaa sidoo kale goobta xaflada xil wareejinta isna xilka kula wareegay Abaandulaha cusub ee guutada 5-aad Gaashaanle dhexe Cabdulaahi Barre Cilmi kaaso xilka kala wareegay Gashaan sarre Maxamed Cabdi Xasan Jeeri, oo ahaa Abaandulahi hore ee guutada 5-aad.

Taliskii hore ee maanta xilka wareejiyay ayaa goobta ka sheegen iney ku faraxsan yihiin xilka qaadista lagu sameyay ayna soo dhaweynayaan taliyaasha cusub ee lagu badalay ayna la shaqeyn doonaan.

Taliska cusub ee maanta xilalka la wareegay ayaa iyagana goobta uga mahad celiyay Taliyaashii ay xilalka kala wareegeen waxayna sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin shaqadan cusub ee loo igmaday.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada AMISOM oo goobta ka hadlayay ayaa taliyaasha cusub kula dardaarmay in looga fadhiyo shaqo wanaagsan oo cadaalad ku dheehan tahay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]