4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 22, 2020
Puntland oo soo bandhigtay maxaabiis iyo hub ay leeyihiin ururka Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay Calmadow


Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Puntland ayaa soo bandhigtay maxaabiis katirsan Al-shabaab iyo hubkooda, kuwaas oo lagu qabtay dagaal xoogan oo shalay Al-shabaab kusoo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka daraawiishta Puntland oo kuyaala Aaga Calmadow.

Puntland waxay sheegtay dagaalkaas inay ku dishay ku dhawaad 10 kamid ah kooxda Al-shabaab, sidoo kalena ay nolasha ku qabteen saddex kamid ah dagaalamayaashii dagaalka soo qaaday iyo hub kala duwan.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn saldhiga balli-khadar oo farriisin u ah ciidamada Puntland, waxaana weerar hoobiyaaal ku bilowday kusoo qaaday dagaalamayaal katirsan Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka bilayska gobolka Bari gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ay khasaare weyn ku gaarsiiyeen Al-shabaab ayna ciidamadu jawaab xoogan ka bixiyeen weerarka lagusoo qaaday.

Taliyuhu ma sheegin khasaaraha dhinaca Puntland, hase yeeshee Hiiraan Online waxay xogta ku heshay in ay  Puntland ka dhinteen labo askari iyo dhaawaca tiro kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]