4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Burcad badeed Soomaali ah oo sii daaysay dad muddo u qafaalnaa
 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay seddex ruux oo u dhashay dalka Iiraan oo ay Af-duubteen sanadkii 2015-dii, sida lagasoo xigtay sargaal sare oo lataliye ka ah dembiyada badaha ka dhaca oo saldhiggiisu yahay waddanka Kenya.

John Steed ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in shaqaalahii u dhashay dalka Iiraan ee saarnaa markabkii la qabsaday bishii Maarso ee sanadkii 2015-kii lasii daayay.

“Shaqaalihii saarnaa markabka FV Siraj ee Iiraan u dhashay waa lasii daayay” ayuu Steed  u sheegay Reuters .

Wuxuu intaa ku daray iney hadda ku suganyihiin waddanka Itoobiya oo ay marayaan baaritaanno caafimaad oo la xiriira Covid-19, kadibna waxay u gudbi doonaan waddanka Iiraan.

“Tani waxay soo afmeereysaa, xanuunkii qafaalka ee kooxaha burcad badeedda’ ayuu hadalkiisa kusii daray.

John Steed oo horay uga tirsanaa Ciidamada waddanka Ingiriiska ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in Burcad badeeddu ay qafaasheen 4 ruux oo Iiraan u dhashay, laakiin mid kamid ah dadkaas ayaa lisii daayay xilli hore, kadib markii uu si daran u xanuunsaday.

Ma sheegin in lagusii daayay lacag madax furasho ah iyo in kale, laakiin sii deyntooda ayaa imaaneysa, xilli dhowaan kooxo burcad badeed ah ay biyaha Soomaaliya ku qafaasheen markab kale oo sitay lacanka Panama.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]