4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka fuliyay Shabeellada hoose
 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Ciidamada Mareykanka ee ka howl-gala qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen weerar duqeyn ah oo ay shalay ku qaadeen deegaan hoos tega Kuntuwaarey oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose. Waxayna sheegeen in ay la bartilmaameedsadeen xubno kamid ah Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Taliyaha dhinaca howl-gallada ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Joel Tyler ayaa sheegay in duqeymahaas aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

“Duqeyn 20-kii bishan August ee sanadkaan 2020-ka aan ka fulinay duleedka Kuntuwaarey ma jiraan cid rayid ah oo wax ku noqotay, waxaan la beegsannay Al-shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka  AFRICOM .

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Mareykanka lagu eedeeyay iney duqeymo ku dileen dad rayid ah .

Dhinaca kale Joel Tyler ayaa sheegay in duqeymahan ay ku taageerayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya si ay uga adkaadaan Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]