4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2020
Burcad badeeda Soomaalida oo afduubtay markab marayay xeebaha bari ee Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Burcad-badeedda Soomaalida ayaa afduubay markab laga leeyahay dalka Panama, sarkaal ka tirsan maamulka Puntland ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Waa afduubkii ugu horreeyay oo burcad badeeddu ku guulaystaan tan iyo sanadkii 2017.

Markabkan ayaa ka soo safray dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kuna sii jeeday dekada Muqdisho. Hase yeeshee waxaa soo food saartay dhibaatooyin farsamo ka hor inta aan la afduuban, sida uu sheegay Muuse Saalax, gudoomiyaha gobolka Gardafu ee Puntland.

Lix nin oo burcad badeed ah ayaa weeraray habeenimadii Arbacada ee xalay. Tirada iyo dhalashada shaqaalaha markabka ayaan la caddeynin. laakiin wadahadalo ayaa socda si loo sii daayo.

Markii ugu dambeysay oo ay burcad badeedu afduubtaan Markab waxay ahayd bishii march sanadkii 2017, kadib markii ay qafaasheen markab shidaalka qaada oo ka yimid Jabuuti kuna jeeday Muqdisho.

Burcad badeedda ayaa markabkaas kusii daayay madax furasho la'aan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]