4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2020
Dowladda Soomaaliya oo 27 qof u xirtay weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar
 

Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 27 qof ayaa loo xiray inay masuul ka ahaayeen hubkii loo adeegsaday in lagu weeraro xabsiga dhexe ee Xamar horaantii bishaan, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Guddi baaritaan ku sameeyay weerarkii xabsiga dhexe ayaa ogaaday in 8 bistoolado, rasaas, iyo bambaanooyin gacanta loo geliyay maxaabiista Al-shabaab ee xabsiga si ay dagaal uga dhex bilaabaan gudaha xabsiga.

Ugu yaraan 12 sarkaal iyo lix rayid ah ayaa la xiray ka dib maalmo baaritaan ay sameeyeen guddi uu magacaabay sii hayaha xilka ra'iisul wasaaraha Mahdi Mohamad Guled.

Col. Aadan Xusseen Kulmiye, oo ahaa madixii ilaalada xabsiga iyo ku xigeenkiisii , ayaa shaqada laga eryay weerarka kadib.

Ugu yaraan 19 qof, oo ay ku jiraan askar, kuwa weerarka soo qaaday ee al-Shabaab, iyo maxaabiis, ayaa ku dhintay weerar ka dhacay xabsiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]