4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Maamulka Gobolka Shabeellada hoose oo ka hadlay dilkii Guddoomiye ku xigeenka Wanlaweyn
 

Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali “Najax” ayaa ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdullaahi Cumar “Koosto’ oo caawa ku geeriyooday Bom gacameed lagu tuuray gurigiisa.

Guddoomiye Najax ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka ay ka dembeeyeen kooxo uu ku tilmaamay iney argagaxiso yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u tacsiyeeynaa ehelada Guddoomiye ku xigeenkii degmada Wanlaweyn ee dhinaca maaliyadda Maxamed Cabdullaahi iyo saaxiibadiis” ayuu ku yiri war qoraal ah uu soo saaray.

“Weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka waxaa ka dembeeyay kooxo argagaxiso ah “ ayuu qoraalkiisa kusii daray.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay iney ka dembeysay weerarka Bom-ka ah ee caawa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyadda ee degmada Wanlaweyn, oo sidoo kale ahaa ku simaha Guddoomiyaha degmadaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]