4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Madasha xisbiyada qaran oo madaxweyne Farmaajo uga digay inuu sharciyeeyo guddiga garsoorka
 

Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka, ayaa sharci darro ku tilmaamay hannaanka loo maray meelmarinta xubnaha guddiga addeega garsoorka dalka, oo ay meel mariyeen golaha wasiiradda ee xasaanada lagala noqday.

Warsaxafadeed kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada ee hadda jira aysan lahayn awood ay wax ku meel marin karaan, waxayna madaxweynaha uga digeen in uu wareegto kusoo saaro guddigan.

Waxay sheegeen in xukuumada shaqadeeda ay tahay socodsiinta howlaha shaqo ee xukuumada inta lagasoo magacaabayo raysal wasaare cusub oo yeesha xukuumad cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]