4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku dhawaaqday go'aan dalka looga saarayo agaasimaha hay'adda Care international
 

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aan dalka looga eryayo madaxa ugu sareeya hay’adda care International xafiiskeeda Soomaaliya Iman Cabdulaahi.

Qoraal kasoo baxay wasiirka waxbarashada ayaa sarkaalkaan lagu ogeysiiyay in dalka laga masaafurinayo, waxaana lagu yidhi sidatan,” Waxaan la socodsiinay mas'uuliyiinta dowladda, deeq bixiyeyaasha iyo sidoo kale la-hawlgalayaasheena waxbarashadda, go'aanka deg-dega ah oo aan kaaga saarayno Soomaaliya wakiilka hay'adda Care International.”

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay go’aankaan ay qaateen in uusan ahayn go’aan ku yimid si fudud, balse ay dhowr jeer isku dayeen inay hagaajiyaan xidhiidhka sii xumaanayay ee wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda Care international.

Wasiir Goodax ayaa sheegay isku dayo badan oo ay hoggaaminaysay wasaaraddiisa iyo qareenadeeda aan laga gaarin wax natiijo ah oo wanaagsan

Wasaaradda waxbarashada ayaa ku eedeysay agaasimaha fulinta Care inuu iska indho tiray siyaasadaha dowladda islamarkaana uu xiisado ka dhex abuuray dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

“Intii aad xafiiska joogtay waxaad aadday olole aad ku carqaladeynayso horumarka waxbarashada, adigoo abuurayay fowdo iyo kalsooni darro ka dhex taagnayd dowladda federalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo taageerayaashooda waxbarashada,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay wasiirka waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sidoo kale ku eedeysay masuulkaan inuu isku dayay inuu dhaawaco xidhiidka Soomaaliya kala dhexeeya deeq bixiyaasheeda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Ugu dambayn wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay inuusan sarkaalkan mar dambe kasii shaqayndoonin Soomaaliya ayna hadda diyaarinayso dukementiyadii dalka loogasoo saari lahaa, iyadoo lagu wargalinayay dhammaan hay’addaha dowladda ee ay quysayso arrintiisa.
 
 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]