4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gaartay shirkadda dekadda Muqdisho maamusha
 

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda marwo Maryan Aways Jaamac iyo shirkadda maamusho dekadda weyn ee Muqdisho Albayrak.

Waxaa madasha lagu kala saxiixday heshiiska joogay sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Heshiiska dhinacyadan ay kala saxiixdeen ayaa waxa uu ku saabsanyahay hannaanka shaqo ee dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo warbaahinta aysan si rasmi ah u helin , micnaha rasmiga ah ee heshiiskaan , haddana waxaa la sheegay in labadii sano ee ugu dembeysay uu ku socday dib u’eegis .

Meelaha ugu badan ee uu dhaqaalaha xooggan kasoo galo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah dekadda maagalada Muqdisho.

Hase-ahaatee waxaa heshiiskaan la gaaray xilli xukuumadda hadda shaqeyneysa kalsoonidii lagala laabtay. Lana filayo in dhowaan la magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisi doono gole cusub ee xukuumadeed.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]