4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Somaliland oo si adag ugu jawaabtay Shiinaha iyo Soomaaliya
 

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - War kasoo baxay Somaliland ayaa looga jawaabay aragtiyadii isku midka ahaa ee dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku saabsanaa heshiiskii dhinaca diblumaasiyadda ee dhowaan ay gaareen Somaliland iyo Taiwan , islamarkaana sababay in la is weydaarsado xafiisyo labada dhinac ah.

Warka kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ay ka madax-bannaantahay Soomaaliya, ciddii ay rabtana ay la geli karto heshiis diblumaadiyadeed.

“Somaliland iyo Taiwan waxay ka wada shaqeyn doonaan arriimaha Nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dimuquraaddiyadda” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Somaliland.

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si isku mid ah u dhaleeceeyay heshiiska ay gaareen labadan dhinac, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid aan socon Karin.

Soomaaliya ayaa u aragta Somaliland maamul hoos yimaada, halka Shiinaha ay Taiwan u arkaan maamul aan madax bannaaneyn oo hoos yimaada.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]