4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Hay’ad caalami ah oo sheegtay in hubka Iiran siiso Xuutiyiinta loo iibgeeyo Soomaaliya
 

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Barnaamijka caalamiga ah ee dambiyada abaabulan, ayaa sheegay in ay heleen cadaymo la rumeysan karo oo sheegaya in Iran ay hub siiso mucaaradka sokeeye ee Yemen, laakiin shabakadaha dambiilayaasha laga yaabo inay hubka ka ganacsadaan dhanka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Baarayaasha ilaalada waxay la xiriireen nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo xaruntiisu tahay magaalada Sanca, kaasoo muddo toddobaadyo ah sharraxaad ka bixinayay hawlgalkiisa.

Ilo wareedyo ayaa soo saaray liis ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, qoryaha darandooriga u dhaca, bambo gacmeed iyo rasaas noocyo kala duwan leh, in loo iib geeyo Soomaaliya, balse lama sheegin cidda laga iibiyay.

"Tani waxay muujineysaa jiritaanka shabakado tahriibiya hubka sharci darrada ah ee yimaada Iran ee loogu talagalay Yemen inay ku sii jeedaan gudaha Soomaaliya," ayaa lagu yiri warbixinta.

Soomaaliya waxey ku hoos jirtaa cunaqabateyn dhanka hubka ah oo Qaramada Midoobay laga soo bilaabo 1992, hase ahaatee tan iyo waqtigaas, si qarsoodi ah aya hubka loosoo galin jiray Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]